Wararka aan ka heleyno Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in Caawa halkaas lagu dilay mid kamid ah Nabadoonada deegaanka.
Dad Goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay sheegeen in Nabadoonka ay toogteen rag dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolado, kuwaas oo falka kadib goobta ka baxsaday.
Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Nuur Gees diir, waxaana goobta uu ka dhacay falka gaaray Ciidamo ka tirsan laamaha amiga Gaalkacyo, iyagoo soo qaaday Meydka.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in Nabadoonka la dilay uu ahaa Guddoomiyihii Laanta Shanaad ee Garsoor ee Gaalkacyo.
Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay dilal qorsheysan iyo weeraro, waxaana inta badan falalkaas sheegtay Al-shabaab.