Nabaddoon Caawa lagu dilay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa caawa lagu dilay mid ka mid ahaa nabaddoonnada Gobolkaasi, waxaana la helayaa faah faahinno dheeraad ah oo ku aaddan dilka loo gaystay marxuumka.

Wararka aynu helnay ayaa sheegaya in Nabaddoonka lagu dilay Gaalkacyo, Xili uu kasoo baxay sida la sheegay Masaajid uu ku Tukaday Salaaddii Cishaha.

Nabaddoonka la dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Cabdiqani Xassan Waloore, waxaana uu ka mid ahaa nabaddoonada gobolka Mudug, iyadoo la sheegay in dilka ay fuliyeen koox hubaysan.

Dilka kadib Ciidanka ammaanka ayaa la sheegay in ay goobta gaareen, iyagoo sameeyay howlgal, balse lama sheegin cid ay u soo qabteen dilkaasi loo gaystay Marxuumka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor