MW Xasan Sheekh oo Go’aan culus ka qaatay dadka Isbaarooyinka u yaallan Shabeellaha Dhexe

Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa maanta kulan kula qaatay degmada cadale duubabka dhaqanka, waxgaradka iyo nabadoonada.

Kulankaan ayaa looga hadlay dhameystirka arrimaha dib u Heshiisiinta iyo nabadeynta Beelo Walaalo ah oo colaadi ku dhexmartay deegaano hoos yimaada Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo la isla qaatay in xal guud laga gaaro colaadahaan soo noq noqday ee ka jira deegaanadaan.

Kulankaan ayaa sidoo kale looga hadlay dhibaatooyinka ka jira deegaanka oo ay ugu horeyso isbaarooyinka sida sharci darrada ah ugu soo batay deegaanadaan.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa tilmaamay in dhibaatooyinka ka jira deegaankaan ay yihiin colaad beeleedyo iyo isbaarooyin fara badan oo deegaanadaan yaala taas oo hoos u dhigtay horumarkii laga filayay inay gaaraan degmooyinka iyo deegaanada Hirshabeelle.

Madaxweynaha JFS ayaa sheegay in aan la aqbali doonin isbaarooyinka sharci darrada ah ee daadsan deegaanadaan waxa uuna intaas ku daray in qofkii lagu helo isbaaro uu mudan doono ciqaab sharciga waafaqsan, isagoo xusay in isbaarooyinkaan la baabi’in doono oo ay salka la gali doonaan dad waaweyn oo saraakiil ama qabaailo ah.

ugu dambeyn Xildhibaanada heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed, duubabka iyo madax dhaqmeedyada dhaqanka ayaa saxiixay in aan lasoo dabakici doonin qofkii lagu qabto iyadoo ay isbaaro u taalo ama dadka shacabka ee wadada ku socdaala dhibaateyna.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor