MW Somaliland oo Aqbalay Is-casilaada Baashe Cawil, Magacaabisna sameeyay

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa aqbalay Is-casilaad uu u soo gudbiyey Wasiirkii ku-xigeenkii Wasaaradda Arrimaha Dibbada Somaliland Baashe Cawil Cumar oo khamiistii lasoo dhaafay xilkaas loo magacaabay.

Madaxweyne Biixi Cabdi oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in Istiqaalada Wasiirkii ku-xigeenkii Arrimaha Dibbada Somaliland Baashe Cawil Cumar uu isku casilaayay ay soo gaartay, isla markaana uu ka aqbalay.

Muuse Biixi Cabdi ayaa Baashe Cawil Cumar uga mahadceliyay muddadii koobneyd ee uu xilka haayay iyo howlihii kale ee u qabtay Somaliland, waxaana sababta uu isku Casilay Baashe lagu sheegay inay tahay mid la xiriirta Saluug xilka loo dhiibay.

“Waxaa i soo gaaray qoraalkaaga ku taariikhaysan 02/09/2021, ujeeddadiisuna tahay is-casilaadda xilkii laguu magacaabay ee Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah. Sidaa darteed, waxa aan kula socod-siinayaa in aan kaa aqbalay is-casilaaddaa laga bilaabo taariikhda maanta.  Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka iyo hawlihii aad u qabatay” ayuu yiri Muuse Bixii..

Dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland oo Wareegto uu soo saaray ayaa waxaa uu xilka Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibbada Somaliland ugu magacaabay Cabdinaasir Cumar Jaamac Rooble oo bedelaya Baashe Cawil Cumar.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor