Muxuu yahay ujeedka socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Turkiga?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuu iyo wafdi uu hoggaaminayay oo ka ambabaxay magaalafa Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa xalay gaaray magaalada Antalya ee dalka Turkiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa magaalada Antalya uga qeybgalaya Madasha Diblomaasiyadda Antalya ayaa sidoo kale, wuxuu uu kulamo  muhiim la yeelan doonaa hoggaanka dalka Turkiga, sida ayaa shaacisay Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa horay uga qeyb-galay meertada 6-aad ee shirka Qaramada Midoobay oo ka dhacay magaalada Nirobi ee dalka Kenya, kaasi oo diirada lagu saaray isbaddalka cimilada adduunka ee xilligaan.

Socdaalka madaxweyne Xasan ayaa imanaya xilli ay dhawaan Soomaaliya iyo Turkiga ay kala saxiixdeen heshiis difaac oo xasaasi ah, kaasi oo ku qotoma ammaanka badda Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor