Xisbiga Himilo Qaran ee uu hogaamiyo Sheekh Shariif Sh Axmed ahna Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa Cambaareeyay Qaraxii xalay ka dhacay Magaalada Garoowe ee lagu dilay Guddoomiyihii Gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi.
Xisbiga Himilo Qaran ayaa tacsi u diray Ehelladda iyo Qaraabada uu ka baxay marxuumka Cabdisalaan Xirsi oo u geeriyooday dhaawac Culus oo kasoo gaaray qaraxaas oo lala eegtay isaga iyo Taliyihii hore ee Booliska Gobolkaas Faarax Galan-gooli.
“Waxaan cambaareyneynaa ficillada lagula bartilmaameedsanayo dadka waxtarka u leh Umadda Soomaaliyeed, waxaana dadkii dhaawaca noqday Allah uga baryeeynaa inay bogsadaan oo rabbi caafimaad siiyo” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Xisbiga Himilo Qaran.
Si kastaba Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada qaraxaas oo lala eegtay Guddoomiye Cabdisalaan Xasan Xirsi iyo Taliyihii hore Booliska Gobolka Nugaal xili ay ku sugnaayeen bartamaha Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland.