Laba Muwaadin oo Soomaali ah oo lagu eedeeyey inay jebiyeen saacadaha Bandowga habeenkii ee saaran dalka Koonfur Afrika ayaa lagu xiray deegaano ka tirsan Magaalada Cape Town ee dalkaas.
Booliska dhaqan-gelinta loo xil saaray Bandowga oo hawlgalo xaqiijin ah sameeya ayaa iyagoo roondaynaya xalay ugu tegay Ganacsatadaan Soomaaliyeed Dukaamadooda oo furan, kuwaasi oo la xiray markii dambe.
Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa horey Ganacsatada Ajaanibta oo Soomaalida ku jirto faray inay xiraan dhammaan goobaha Ganacsiga, si loo xakameeyo faafida Cudurka halista ah ee COVID-19 oo siweyn ugu faafay dalkaas.
Dadka u hoggaansami waaya amarka lasoo saaray ee Bandowa ayaa Ganaax lacageed ama xarig maalmo ciqaabeed kooban ah wajahi doono, waxaana xalay la xiray laba Muwaadin oo Soomaali ah, kuwaasi oo ay furnaayeen Dukaamadooda .