Marxuum Amiin C/llaahi oo lagu naanaysi jirey Xamsa Tayme ayaa u geeriyooday dhaawacyo rasaaseed, kadib, markii ay kooxo hubeysan ku toogteen magaalladda Edmonton.
Marxuumka oo 30-jir ah ayaa waxaa kaloo lala dhaawacay Walaalkiisa, oo haatan ka soo kabanayo qaliin lagu sameeyey.
Jaalliyadda Soomaalida ku nool magaalladda Edmonton ayaa ka qeyb galay Tacsida Marxuumka, waxayna Qoyskiisa gaarsiiyeen lacag ay iska soo ururiyeen oo dhan 8-kun oo Dollar.
Boliska Edmonton ayaa sheegay inay wadaan baaritaan ay ku soo qabanayaan kooxihii ka dambeeyey dilka Marxuumkaasi, iyadoo ay Goobjoogayaal u sheegeen Boliska inay toogashadaasi xiriir la leedahay Burcadda hubeysan iyo kuwa ka ganacsada Daroogadda.
©Radio Dalsan