Muwaadin Soomaali ah oo u geeriyooday dhaawac ay u geysteen Ciidamo

Magaladda Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa habeenkii xalay aheyd ku geeriyooday Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa dadka halkaas ku leh goobaha Ganacsiga, siweyna looga yaqaanay dalkaas.

Allaha u naxariistee Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdinaasir Dalnuurshe, waxaana uu u geeriyooday dhaawac Culus oo maalmo kahor ay u geysteen Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika.

Qaar kamid ah Eheladiisa ayaa sheegay in Cabdinaasir xiligii la dhaawacayay uu ku sugnaa goob  maqaaxi ah, kadibna la geeyay Isbitaal ku yaalla Johannesburg, hayeeshee xaaladiisa oo aad u liidatay ayuu xalay dhintay.

Dalnuurshe ayaa la tilmaamay inuu kamid ahaa dhalinyarada aadka u firfircoon ee kunool xafadda Mayfair ee dalka Koonfur Afrika, sidoo kalena waxaa uu la shaqeynayay Jaaliadda Soomaaliyeed ee xaafadda Mayfair.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa uu yahay Dal dhibaatooyin kala duwan loogu geysto Muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoona sanadkaan gudihiisa lagu dilay Muwaadiniin Soomaali ah oo dalkaas ku lahaa goobo Ganacsi, sidoo kalena boob loo geystay goobo kale.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media