Wargeyska The Monitor ee ka soo baxa dalka Uganda ayaa qoray in Dareewal Soomaali ah oo lagu magacaabo Cabdulle Xasan lagu dhaawacay Tuulladda Pageri ee Gobalka Magwi ee dalka Koonfurta dalka Suudaan.
Dareewalkaasi oo 28 jir ayaa la toogtay xilli uu doonayey inuu ka soo baxsado Ammaan la’aanta caasimadda dalkaasi ee Jubba, waxaana toogashadaasi geystay mid ka mid ah Kooxaha Maleeshiyadda ee ku dagaalamayo dalkaasi
Dareewalka Soomaaliga ayaa waxay xabbadda kaga dhacday meel ku dhow Jilibka, wuxuuna ku guuleystay inuu naftiisa iyo gaarigiisa kala soo baxdo weerarka Jidgalka ah ee lagu khaarijin lahaa, wuxuuna isagoo dhaawacan gaaray Degmadda Nimule ee xadka K/Suudaan la wadaagto.
Wargeyska The Monitor waxa uu qoray in dhaawaca Dareewalka lagu daaweynayo goob caafimaad oo ku taalla Barta Kontoroolka ee Deegaanka Elegu oo ku taalla Waqooyiga dalka Uganda
©Radio Dalsan