Muwaadin Somali oo lagu magacaabo Mohamoud Ali ayaa lagu soo oogay Dacwad la xiriirta inuu bishii June ee sannadkii hore lagu qabtay 40-Kiilo oo Qaad ah oo uu kala soo degay Garoonka Diyaaradaha magaalladda Galasgow ee Gobalka Scotland ee dalka Britain.
Maxkamadda Paisley Sheriff Court ayaa dhegeysatay Warbixin ku aadan  inay Saraakiisha UK ee Ilaaladda Xuduudaha ku qabteen Ninkaasi Labo Boorso oo lagu soo cabeeyey Qaad, xilli uu doonayey inuu kala gudbo qeybta Ammaanka ee Garoonkaasi.
Eedeysanaha oo asal ahaan ka soo jeeda Somalia, waxa uu dalka Britain tegay sannadkii 2004-tii, waxaa uu Maxkamadda ka hor qirtay qaadka lagu qabtay oo lagu qiimeeyey lacag dhan Labo Kun oo Pound (£2,000).
Mohamoud Ali oo ah Aabe 6 carruur leh waxa xukunkiisa lagu dhawaaqi doona bisha soo socota, waxaana suurto-gal ah in lagu xukumo Xabsi dhan 5 sanno ah.
©Radio Dalsan