Muwaadin Somali oo la qorsheynayo in laga soo masaafuriyo dalka Britain

C/qaadir Axmed Saciid oo 32 jir ah ayaa khatar ugu jira in laga masaafuriyo dalkaasi, kadib, markii lagu helay fal-dembiyeedyo Kufsi ah oo uu ku kacay xilliyo kala duan.

3 Garsoore ayaa la sheegay inay u codeeyeen go’aanka lagu masaafurinayo Eedeysanaha oo ay horey Talo ahaan u soo jeedisay Haweeneyda Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee dalka Britain, Theresa May.

Eedeysane C/qaadir Axmed Saciid oo dalka Britain ku noolaa ku-dhawaad 20-sanno, waxaa sannadkii 2009-kii lagu xukumay Xabsi 5 sanno, kadib, markii lagu helay inuu labo jeer kufsaday haween.

Markii uu xukunka dhamaystay waxay Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee dalka Britain, Theresa May amartay in la masaafuriyo, balse waxa uu galangal u galay sidii loo joojin lahaa go’aanka lagu masaafurinayo, isagoo qaaday dagaal dhinaca Sharciga iyo khatarta uu la kulmi karo haddii lagu celiyo Somalia.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor