Dacwad-oogayaasha Federalka Maraykanka waxay shalay isagoo maqan Dacwad ku soo oogeen Muwaadin Somali Maraykan lagu magacaabo Maxamed Amiin Cali Rooble, kaasi oo la rumeysan yahay inuu weli ka barbar dagaalamayo Maleeshiyadda Daacishta ee ku sugan gudaha dalka Syria.
Eedeysanaha Maxamed Amiin Cali Rooble oo 20-jir ayaa Dacwada lagu soo oogay shalay, isagoo aan ku sugnayn Madasha Maxkamadda.Waxaa lagu soo oogay inuu Kharaj loo siiyey magdhow ahaan dhaawacyo ka soo gaartay Burburkii Buundada dul marta Webiga Mississippi ee magaalladda Minneapolis sannadkii 2007-dii oo ay ku geeriyoodeen 13 qof, kuna dhaawacmeen 145 kale..
Sida lagu sheegay Dukumeti loo gudbiyey Maxkamadda waxa uu Eedeysanaha u adeegsaday ugu yaraan qeyb ka ah Kharajkii magdhow ahaanta loo siiyey oo dhamaa 91,654 Dollar Safarkiisa oo uu bishii October ee sannadkii 2014-kii ugu ambabaxay magalladda Istanbul ee dalka Turkiga..
Sarkaal ka tirsan Waaxda Dembi-baarista Maraykanka (FBI)-da ugu qaabilsan L-dagaalanka Argagixisadda, Joel Pajak ayaa ku markhaati furay in Maxamed Amiin Cali Rooble qorshihiisa ahaa inuu safar ku tago dalka Shiinaha, kadibna uu dib ugu soo laaban lahaa Maraykanka bishii June ee sannadkii hore.
Waxa uu intaasi ku daray inay heleen Xog ku aadan in safarka Eedeysanaha iyo Adeerkiisa oo lagu magacaabo Cabdi Nuur ku dhamaaday dalka Syria, kuna biiray Kooxda Daacish.
Si kastaba ha ahaatee, Eedeysanahaasi ayaa noqonayo Somali-Maraykankii 11-aad ee ka soo jeeda Jaalliyadda Soomaalida ku nool magaalladda Minneapolis ee lagu soo oogo inay taageereen ama ku biireen Kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalalka Syria iyo Iraq.
©Radio Dalsan