Muwaadin Somali lagu eedeeyey inuu basaasnimo u tegay Hoyga Uhuru Kenyatta oo la amray in lagu sii hayo Xabsiga

Maxkamad ku taalla magaalladda Nairobi ayaa u xalaalaysay Boliska inay muddo 15 maalmood sii hayn karaa Muwaadin Somali ah oo lagu soo qabtay isagoo jooga mel ku dhow Hoyga Madaxweyne Uhuru Kenyatta ku leeyahay Deegaanka Gatundu South ee Bartamaha Kenya.

Eedeysanaha oo magaciisa lagu sheegay Saciid Mire Siyaad ayaa shalay la soo taagay Maxkmaad, iyadoo ay Baarayaasha ku eedeynayeen inuu ku hawlanaa hawlo Sirdoon, isla markaana uu qorsheynayey weerar lagu qaado Hoyga Madaxweyne Uhurru Kenyatta, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Maxkamadda waxay u oggolaatay Boliska inay muddo 15 maalmood sii hayaan Eedeysanahaasi, kadib, markii ay Baarayaasha codsadeen in la siiyo waqti ay baaritaano dheeraad ah ku sameeyaan Eedeysanaha, xogta ku kaydsan Mobaylkiisa iyo sidii loo baadigoobi lahaa rag kale oo isaga la socday, oo baxsaday.

Eedeysanaha ayaa la sheegay in mar kale dacwadiisa la dhegeysan doono bisha soo socota ee May 5-da.

Dhinaca kale, Kooxaha u ololeeya Xuquuqda Aadanaha ee dalka Kenya ayaa sheegay inay sii kordhayaan dadka loo qabanayo tuhunadda la xiriira Xag-jirnimadda, tan iyo markii ay Dagaalamayaasha Alshabaab ay 3 Toddobaad ka hor weerareen Jaamacadda Garissa, laguna dilay 148-qof.

Dagaalyahanadda Al;shabaab ayaa horey wacad ugu maray inay magaallooyinka Kenya ka dhigi doonaan balliyo uu dhiiggu qulqulayo, haddii aysan Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah AMISOM laga saarin Somalia.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor