Muuse Biixi oo gaaray Jabuuti Xili Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku sugan yahay dalkaas

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii ballaarnaa ee uu hoggaaminayey oo saaka safar shaqo kaga ambo baxay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa gaaray dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, waxana madaarka magaalada Jabuuti si diirran ugu soo dhaweeyey Ra’isal wasaaraha dalka Jabuuti, Mudane Cabdiqaadir Kaamil Maxamed.

Madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo, ayaa ugu horrayn soo dhaweyn maamuuskeedu sarreeyo kala kulmay Ra’isal wasaaraha, kaas oo ku qaabilay Madaarka Diyaaradaha, waxaana loo gelbiyey qolka madaxda ee (VIP)da oo ay qaddar nasasho ah ku qaateen.

Madaxweynaha waxa safarka ku wehelinaya xubno kamid ah golaha wasiirrada oo ay kamid yihiin wasiirrada wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, Dr. Ciise Keyd Maxamuud, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Cabdirashiid Ducaale Qambi, gaashaandhigga, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid oo isagu ku sii sugnaa dalkaasi,  iyo Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti, Amb Cabdifataax Siciid Axmed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor