Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka labaad ee Maamulka Hirshabeelle iyo labadiisa ku-xigeen ayaa Maanta Magaalada Jowhar ka bilaabaya Diiwan-gelinta Musharxiinta u taagan xilka Guddoonka Baarlamaanka.
Qoraal shalay kasoo baxay Guddiga Doorashada ayaa waxaa lagu sheegay inay bilaabaneyso diiwaan-gelinta Musharixiinta u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlmaanka Hirshabeelle iyo labadiisa ku-xigeen.
Sida ku Cad Jadwalka laga soo saaray Doorashada Guddoonka Baarlamaanka isla Maanta ayaa lasoo gaba-gabeyn doonaa Diiwaan-gelinta Musharaxiinta Guddoonka, waxaana saddex xil u taagan Musharaxiin dhowr ah.
Sidoo kale Maanta Berri ayaa la filayaa in Musharaxiinta la diiwaan-gelin doono in Khudbadahooda u jeedan Xildhibaanada Cusub ee Hirshabeelle, iyagoona uga hadli doono wax qabadkooda ku aadan markii la doorto.
Kulamo siyaasadeed oo ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay Magaalada Jowhar, waxaana kulamada intadooda badan looga hadlayay ololaha Doorashada ee halkaas ka socda.
Maalinta Arbacada ee soo socota ayaa la filayaa in Magaalada Jowhar ka dhacdo Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle iyo labadiisa ku-xigeen, iyadoo intaas kadibna la dooran doono Madaxweynaha Maamulka iyo ku-xigeenadiisa.