Madaxweynihii hore ee DKMG ee Somalia, ahna Musharax Madaxweyne, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo haatan booqasho ku jooga dalka Imaaraadka Xarabta waxa uu magaalladda Dubai kula kulmay Jumca Al Maajid oo ah Madaxa Xarunta Caalamiga ee Juma Al Majid Center ee Dhaqanka iyo Hiddaha ee Dubai.
Sida lagu soo daabacay Wargeyska Maalinlaha ee Al-iimaaraat Al-yoom ayaa qoray inay Labada Mas’uul ka wada hadleen sidii ay isaga kaashan lahaayeen Ilaalinta iyo Kaydinta Qoraal Gacmeedyadii hore , Farshaxanka, Dhaqanka iyo Hiddaha Ummadda Soomaaliyeed.
Sheekh Shariif waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu booqasho ku tago Xarunta Al Majid Center, isla markaana waxa uu u kuur galay Hawlaha baaxadda leh ee Maktabadda, Shaybaarka iyo Kaydka Xaruntaasi oo lagu kaydiyo Qoraalladda iyo Farshaxanadda ku dhow inay dabar go’aan.
Sheekh Shariif waxa uu soo dhaweeyey inay Xarunta Juma Al Maajid noqoto Isku-xiraha Dhaqamada iyo kaydinta Qoraal Gaeedyadii hore ee dalalka islaamka.
Mar uu ka hadlayey Ujeedada Safarkiisa waxa uu tilmaamay sidii ay Iskaashi ula yeelan lahaayeen Xarunta Al Majid Center iyo inay Daryeel iyo Dib-u-soo-celinta Kaydadka Qoraalladii hore iyo Qalabka Farshaxanka ee u gaarka ah Ummafda Soomaaliyeed.
Madaxa Xarunta Hiddaha iyo Dhaqanka ee Dubai, Juma Al Maajid oo ka hadlay Kulankaas Shaqo ayaa sheegay inay wax ka qaban doonaan Kaydinta iyo Ilaalinta Qoraalladii hore, Far Guriga iyo Dukuentiyadda kale ee u gaarka ah dadka Soomaaliyeed.
Al Majid waxa uu xusay inay Xaruuntiisa kaalin mug leh ka qaadatay Qoraal Gacmeedyadii hore ee Xaruuntii Diinta ee Timuktu ee Waqooyiga Afrika iyo kuwo kale.
Waxaa kale oo sharxay Teknoolajiyadda ay ku hawl galaan iyo sida Shaybaarka loogu adeegsado Soo-celinta Hantida Dhaqanka ee ay dhaxalka u leeyihiin dadka Soomaaliya iyo qoraallada uu u baahan daryeel si aanay u dabar go’in.
©Radio Dalsan