Museveni oo shaaciyey inaysan Alshabaab ku khasbi karin Ciiddanka Uganda inay isaga soo huleelaan Somalia

Madaxweyne Yoweeri Museveni ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu xalay siiyey Idaacadda Ugandan Broadcasting Corporation, wuxuuna xusay inay Ciiddankiisa ka bixi doonin Somalia  tan iyo inta uu dalka Somalia ka helayo Nabad iyo Ammaan buuxa, waa sida uu hadalka u yiri.

“Hoggaamiyayaasha Alshabaab  waxay dhallinyaradda Muslimiinta ku cadaadiyaan inay weeraro ku qaadaan Ciiddamadda AMISOM ee ku sugan gudaha dalka Somalia” ayuu yiri Madaxweynaha Uganda oo Alshabaab ku tilmaamay caddowga ciiddanka Afrikaanka ee ku sugan Somalia.

Museveni waxa kaloo uu wareysiga uu siiyay Idaacadda Ugandan Broadcasting Corporation ku sharxay inay 2.5 million oo Muslimiin ku nool caasimadda Somalia ee Mogadishu  door-bideen inay iskaashi la sameeyeen Ciiddanka AMISOM, halkii ay kaga biiri lahaayeen Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor