Muqdisho iyo Gobolada dalka oo Maalintii 2-aad siweyn looga Ciidayo

Maanta oo ah maalinta labaad ee Ciidul Adxaa waxaa si weyn looga ciidayaa Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka, waxaana magaalooyinka dalka ka socdo munaasabado waa weyn oo loogu dabaal degayo Ciidda.

Magaalooyinka Jowhar, Kismaayo, Baydhabo, Garoowe, Dhuusamareeb iyo deegaano kale oo dhowr oo ku yaalla dalka ayaa saaka si weyn looga dareemayaa dabaal degga maalinta labaad ee ciidul Adxa.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ayaa waxaa la soo buux dhaafiyay goobaha leyskugu yimaado sidda xeebta Liido, Xeebta Jasiira, Daljirka Dahsoon, Beerta Nabadda iyo beerta Daaru-salaam waxaana dadku ay isugu marxabeynayaan maalinta labaad ee ciidda.

Ciidda Carafo ama ciidul Adxa ayaa sannadkaan ku soo aadday iyadoo caalamka uu kala xirxiranyahay oo cudurka halista ah ee  Covid-19 uu dalka ka jiro balse waxaa soo yaraanaya tirada dadka cudurka laga helo ee dalka jooga.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media