Munaasabadda Sannad-guuradii 4-aad ee Asaaska Radio Dalsan oo lagu qabtay Hotelka Maka Almukarama.

Mas’uuliyiin ka tirsan Labada Gole ee Dowladda Federalka, Aqoonyahan, Khubaro Saxaafadeed iyo marti sharaf kale oo aad u ballaaran ayaa waxay xalay Maamulka iyo Shaqaalaha Radio Dalsan kala qeyb-galeen Munaasabadda 4-guuradda ka soo wareegtay markii dhidibada loo taagay Radio Dalsan oo lagu qabtay Hotelka caanka ee Maka Almukarama ee magaalladdan Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska  ee Xukuumadda Federalka, Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” oo ka mid ahaa Madaxda lagu casuumay Munaasabadaasi, waxa u hambalyeyey Maamulka iyo Shaqaalaha Radio Dalsan, isagoo sheegay inuu Radio Dalsan kasbaday Taageeradda Dhegeystayaasha Soomaalida.

“Radio Dalsan waa Warbaahin Madax-bannaan oo tebisa Xogo Fiican oo Dhexdhexaad ah, waana u hambalyeynayaa Madaxda iyo Shaqaalaha Radio Dalsan” ayuu yiri Wasiir Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye”.

Yuusuf Xasan oo ah Khabiir Saxaafaadeed oo isagana ka hadlay Munaasabadda waxa uu bogaadiyey Madaxda Radio Dalsan oo uu tilmaamay inay hawl adag u hayaan Mujtamaca.

“In laga shaqeeyo Warbaahin Madax-bannaan waa hawl adag, waxaa kaloo adag in laga hawlgalo dal sida Somalia oo kale ah” ayuu yiri Yuusuf Xasan oo ku booriyey Madaxda iyo Shaqaalaha Radio Dalsan inay laba jibaaraan Waxqabadkooda.

Xildhibaan Islow oo ka tirsan Barlamaanka Federalka oo isagana Radio Dalsan kala qeyb galay Munaasbaadaasi ayaa isagana u hambalyeyey Madaxda iyo Shaqaalaha Radio Dalsan.

Xildhibaanka waxa uu tilmaamay in Radio Dalsan tusaale muuqda u yahay Warbaahinadda Madax-bannaanida, isla markaana ay u shaqeeyaan si Naf-hurnimo, Xirfado leh iyo Dhexdhexaadnimo.

Agaasimaha Guud ee Radio Dalsan, Xasan Cali Geesey oo isagana ka hadlay Munaasabadaasi waxa uu faahfaahin dheer ka bixiyey dadaalka dheeraa ee loo soo galay Dhismaha Radio Dalsan, Caqabadihii ay soo martay iyo Hiigsiga Mustaqbalka.

“Waa lagu guuleystay 80% hadafka loo asaasay Radio Dalsan, waa Idaacad dhexdhexaad ah oo ka shaqeysa Nabadda, Dib-u-heshiisiinta, Wacyi-gelinta, dhiirigelinta Dimuqraadiyadda iyo in dadka aan codka lahayn la maqlo Dareenkooda iyo Rabitaankooda” ayuu yiri Agaasime Geesey.

Waxa kale oo uu ka hadlay Jadwalka Shaqo ee Radio Dalsan, isagoo sheegay in laga baahiyo Barnaamijyadda Diiniga, kuwa Siyaasadda iyo kuwa Madadaaladda, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay Idaacadda Tartamo Aqoon Kororsi qabato, gaar ahaan Tartanka Ramadaanka oo laagu dhiiri-gelinayo Kobcinta AQoonta iyo Dhiirigelinta Dhallinyaradda.Agaasimaha Guud ee Radio DalsanAgaasimaha Guud ee Radio Dalsan, Xasan Cali Geesey waxa uu sheegay inay Radio Dalsan ku xiran yihiin Dhegeystayaal ilaa 3 million oo qof oo ku nool gudaha iyo dibedda.

Dhinaca kale, Munaasabadda lagu xusayo 4-guuradii ka soo wareegtay Asaaska Radio Dalsan waxaa lagu soo bandhigay Bandhig Faneed ay aad u xiiseeyeen Martidii ka soo qeyb gashay Munaasbaadaasi.

Waxaa kaloo Abaalmarin Shahaadooyin lagu guddoonsiiyey Mohamed Ali Farah oo ah Nin Dhallinyarro u ololeeya dadka uusan jirkooda dhamaystirnayn (Disabled Rights Activist),  isla markaana ah Hal-abuure Mujtamaca ka kasbaday Taageero iyo Qaddarin buuxda.

Shaahadada waxaa si wadajir ah u guddoonsiiyey Wasiirka Warfaafinta, Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” iyo Aasaasaha iyo Guddoomiyaha Shirkadda Warbaahinta Dalsan Media, Maxamed Ibrahim Cali “Maxamed Cajiib”.

Sidoo kale, waxaa Abaalmarin Hawlkarnimo la guddoonsiiyey qaar ka mid ah Shaqaalaha Radio Dalsan, kuwaasi oo Karti iyo Hawl-jacayl dheeraad ah muujiyey, isla markaana hormuud  ah  Horumarinta  Waxqabadka Radio Dalsan.

XAFLADDA RADIO DALSAN.6 XAFLADDA RADIO DALSAN M.A.FARAH OO LA GUDDOONSIIYEY SHAHAADO SHARAF RADIO DALSAN XAFLADDA RADIO DALSAN3 XAFLADDA RADIO DALSAN2

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor