Mukhalasiin tahriibinaysay Muhaajiriin ay ku jirto Soomaali oo xabsiga la dhigay

4 Mukhalas oo Turkish ah ayaa shalay oo Jimco ahayd lagu xiray Xeebaha dalka Giriiga, kadib, markii la helay ku-dhawaad 100 qof oo Muhaajiriin ah oo ay ku tahriibinayey Dooni laga helay meel ka baxsan Jesiirad u dhow caasimada dalkaasi ee Athens.

Warkaan oo laga soo xigtay  Shabakada Wararka Giriiga ee Greece City Times oo Warkan daabacday saakayto oo Sabti ah waxaa lagu xusay in Muhaajiriinta la qabtay lagu daad-gureeyey Markab ay leeyihiin  Ciiddanka Ilaalada Xeebaha ee dalka Giriiga, lana Feeney Dhul-Weynaha dalkaasi (Greece mainland).

Qoraal ka soo baxay Ilaalada Xeebaha dalkaasi waxaa lagu xusay inay Muhaajiriintaasi ka soo kala jeedaan Somalia, Syria, Masar, Iraq iyo Israel.

Dhinaca kale, Doonida ay Muhaajiriintaasi la socdeen oo ka soo shiraacatay xeebta magaalladda IZMIR ee dalka Turkiye waxay ku sii jeeday Xeebaha dalka Talyaaniga.

Mukhalisiinta waxay qof kasta oo ka mid ah Muhaajiriinta ka qaateen lacag dhan  8,000 oo EURO, si ay u geeyaan Talyaaniga.

W/Q Ustaad Nuuradiin

About Webmaster

View all posts by Webmaster