7 Tahriibayaal da’ yar oo u dhashay Somalia ayaa lagu qabtay meel ku dhow Deegaanka Akaki ee Caasimadda Jesiiradaasi ee Nicosia.
Hadal ka soo baxay  Boliska ayaa lagu sheegay in Tahriibayaasha la qabtay kala yihiin 4 wiil oo da’dooda tahay 17-jir iyo 3 gabdhooda oo da’dooda u dhexeyso 13 jir iyo 15-jir ah.
Boliska ayaa sheegay in loo soo far-muuqay Tahriibayaashaasi oo la rumeysan yahay inay Jesiiradda Qubrus ka soo galeen dhanka Waqooyi, iyadoo Jersiiradaasi u qeybsan tahay labo dhinac oo ay kala maamulaan dad asal ahaan ka soo kala jeeda dalalka Turkiga iyo Giriigga.
Tahriibayaasha Soomaalida ayaa la sheegay in loo gudbiyey Xeradda Daryeelka ee hoos tagta Zaaxda Daryeelka Bulshadda ee Jesiiradda Qubrus.
Xigasho: cyprus-mail.com
©Radio Dalsan