Ilaa 70 Muhaajiriin doonaysay inay gaaraan Xeebaha Europe ayaa shalay ku haftay dooni ku degtay Badda Mediterranean-ka, sida ay sheegtay Wakaalladda Wararka ee dalka Tunisia ee TAP.
Ugu yaraan 16 kale ayaa la soo badbaadiyey oo qeyb ka ahaa Muhaajiriintii la socotay Doonidaasi oo ka soo shiraacatay Xeebaha dalka Liibiya.
Doonida ku degtay Xeebaha dalka Tunisia waxaa la sheegay inay Khamiistii ka shiraacatay xeebaha Liibiya, waxayna Muhaajiriinta qeylo-dhaan u soo dirsadeen Waaberigii hore ee shalay oo Jimco ahayd, xilli ay marayeen meel ka baxsan Xeebaha magaalladda Saqaafis oo 270-KM dhanka K/bari kaga toosan caasimadda dalka Tunisia ee Tunis.
Hay’adda Caalamiga ee Muhaajiriinta ee IOM waxay shilkaasi ku tilmaamtay kii ugu xumaa ee dooni ay la socdeen Muhaajiriin oo degtay tan iyo bishii Janaayo ee sannadkan.
Hadal-qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Difaaca ee Tunisia iyo Sarkaal u hadlay Hay’adda IOM waxay sheegeen in 60 ilaa 70 Muhaajiriin ku hafteen doonida degtay.
Doonyaha Kalluumeysiga ee dalkaasi waxay so obadbaadiyeen 16 ka mid ah Muhaajiriintaasi, waxayna wasaaradda Difaaca sheegtay in ay soo saareen maydadka 3 qof.