Mucjiso:- Lo’ dhashay weylo mataano ah oo madaxa isaga dhegan

Mucjisooyinka Rabbaaniga ayaa had iyo jeer waxay ka turjumaan awoodda Rabbi Subxaanuhu Watacaala, waxaana loo baahan yahay in lagu cibaaro qaato mucjisooyinka lala kulmo.

Dadka degan Deegaanka Inkariak-ronkena Oloitokitok ee dalka Kenya ayaa waxay shalay oo Jimco ah la anfariireen, kadib, mrakii sac uu lahaa nin beeraley ah ay dhashay  labo wayl oo madaxa isaga dhegan.

Dadka Tuulo-joogga ayaa la sheegay inay buux dhaafiyeen beerta ninka beeraleyda oo lagu magacaabo  Boniface Mwangi, si ay u arkaan labada neef ee ku dhashay iyaga oo qaarka sare isaga dhegan.

Labada neef ayaa la sheegay inay labo saacadood oo keliya noolaayeen, kadibna ay dhinteen.

Milkiilaha lahaa saca dhalay waylahaasi ayaa sheegay in ay lo’da u dhashay  si caadi ah waylaha, waxayna dadka deegaanka kula taliyeen inuu gawraco labada weylo, oo haddii uusan sidaasi yeelinna ay dhibaato u keeni karto qoyskiisa iyo dadka deggan Tuulladda.

Dhakhaatiirta Xannaanadda Xoolaha ayaa yimid goobta, ka hor inta aan la aasin waylaha mucjisada ahaa.

Waxaa Turjumay: Ustaad Nuradin Abokor Ahmed

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor