• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Tuesday, July 15, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Mowqifka Dowladda Federalka ee ku aadan muranka xuduud-baddeedka kala dhexeeyo Kenya

Dalsan Editor by Dalsan Editor
July 8, 2015
in Warar
Reading Time: 4 mins read
A A
2
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Humaag iyo Faham lagu jahwareersan yahay ayaa laga qaaday hadalladda is-burinayo ee ay Dowladdaha Somalia iyo Kenya kaga hadlaan Qaddiyadda muranka xuduud-baddeedka, kaasi oo soo bilwoday sannadkii 2012-kii.

Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia oo isbuucii hore ka hadlay Barlamaanka Federalka ayaa sheegay inaysan waxba iska beddelin mowqifka ku aadan in Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka “The international Court of Justice oo ku taalla magaalladda The Hague ee dalka Netherlands.

Madaxweynaha waxa uu tilmaamay in lagu kala bixi doono Sharciga, wuxuuna hoosta ka xariiqay mowfiqka cad ee Dowladda Soamlia ee ku aadan muradnak xuduud-baddeedka Kenya.

“Waxaa nala saaray cadaadis iyo baqdin si aan u aamusno, laakin, Mowqifkeenna waa cad yahay” ayuu yiri Madaxweynaha oo qiray in lagu fashilmay in heshiis laga gaaro murankaasi.

Qoraal kale oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Somalia ayaa lagu muujiyey inay ka go’an tahay gal-dacwadeedkii ay Somalai buuxisay sannadkii 2013-kii ee ku aadanaa in muranka xuduudaha Badda lagu kala baxo Maxkamadda The Hague, iyadoo la cuskanayo jadwalka shaqo ee Heshiiskii QM ee Sharciga Baddaha “ The UN Convention on the Law of the Sea”.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska  ee Xukuumadda Federalka Somalia, Maxamed Cabi Xayir “Maareeye”  waxa uu  maanta ka shanqariyey inay Maxkamadda Calaamiga ee Garsoorka ee ICJ dhegeysan doonto dacwadda muranka xuduud-baddeedka Somalia iyo Kenya.

Waxa uu tilmaamay inay bishan July 13-da Dukumentiyadda caddaynayo inay Somalia leedahay xuduud-baddeedka lagu murunsan yahay u gudbin doonaan Maxkamadda ICJ, wuxuuna intaasi ku daray inay Maxkamadda ICJ dacwadda dhegeysan doonaan bisha March ee sannadka soo socda.

Maareeye oo Saxafadda la hadlay wax yar kadib, markii uu Shirkii Golaha Wasiiradda maanta la soo xiray, wuxuuna tilmaamay inay warbixin ka dhegeysteen Labo Garyaqaan oo Soomaali ah oo ay Dowladda Federalka u idmatay inay u matalaan dhegeysiga Dacwaddaasi.

Khilaafka muran-baddeedka oo ay Dowladda Kenya doonaysay in miiska hoostiisa lagu xaliyo ayeysan u suurtoobin, kadib, markii ay Waddaniyiinta Soomaalida qeylo-dhaan ka keeneen Heshiiskii Isfahamka  (Memorandum of Understanding) ama UoM  ee ay Dowladda Kenya iyo Dowladdii KMG Somalia kala saxiixdeen, iyadoo Heshiiskaasi u hibeyn lahaa Kenya xuduud-baddeed masaafadiisu dhan tahay 64,000 KM oo isku wareeg ah.

Khilaafka Siyaasadda ee Dowladdaha Somalia iyo Kenya ayaa gaartay figta sare, waxayna Dowladda Somalia si xooggan uga carootay qorshaha ay Dowladda Kenya derbi dheer kaga dhisayso xuduudka ay labada dal wadaagaan.

Waxay Dowladda Kenya culayska saartay in xagal qaloocan loo cabiro xuduud-baddeedka lagu muransan yahay, iyadoo Dowladda Federalka ee Somalia doonayso in cabirka si toos ah  loogu saleeyo xuduudka dhulka ee u dhexeeya labada waddan.

Is-faham la’aantaasi ayaana keentay inay Dowladda Somalia kiiska u gudbiso Maxkamadda ICJ, waxaana ayaan-darro ah inay Dowladda Kenya weli hawlo sahmin ah ka wadaan xuduud-baddeedka lagu murunsan yahay.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inuusan hagaagi doonin xiriirka Diplomaasiyadeed ee labada dal inta ay Kenyanka wadaan Ilhaanaysiga ay ku hayaan Qaranimadda Somalia, waxaana xadgudub culayskiisa leh ah derbiga dheer ee ay Dowladda Kenya ka dhisayso xuduudka Somalia, oo ay sheegeen inay ugu tala galeen inay kaga hortagaan Dagaalamayaasha Alshabaab oo khalkhal ku haya ammaanka guud ee dalkaasi.

Sababaha ay Kenya u dedejinayaan derbigaasi oo dhererkiisu dhan yahay  700 KM ayaa waxa ka dambaysa ujeedo dahsoon, waxayna doonaysaa inay si xatooyo ah dhulka Somalia ugu darsadaan dhulkooda, iyagoo horey u xalaalaystay Gobalka NFD ee ay ula baxeen W/bari  Kenya.

© Radio Dalsan

Previous Post

Kenya iyo Alshabaab oo ka hadlay weerarkii ka dhacay Mandera

Next Post

Dhageyso:warka subaxnimo Ee Radio Dalsan ,08-07-2015

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir
Warar

Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir

July 15, 2025
Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay
Warar

Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay

July 15, 2025
“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”
Warar

Booliiska Soomaaliya oo Soo Bandhigay Hub ay Ka Fashiliyeen Weerar Ay Maleeshiyaad Ku Qaadeen Guri Xukun Maxkamadeed Leh

July 15, 2025
DEG-DEG: Baarlamaanka Puntland oo Xilka Ka Qaaday Xildhibaan Cabdirashid Yuusuf Jibriil
Warar

DEG-DEG: Baarlamaanka Puntland oo Xilka Ka Qaaday Xildhibaan Cabdirashid Yuusuf Jibriil

July 15, 2025
Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Magaalada Garissa ee Kenya
Caalamka

Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Magaalada Garissa ee Kenya

July 15, 2025
Dowladda Soomaaliya iyo AFRICOM oo duqeymo cirka ah ku beegsaday ISIS-Somalia
Warar

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay Buuraleyda Bari, laguna dilay maleeshiyaad ka tirsan Daacish

July 15, 2025
Next Post

Dhageyso:warka subaxnimo Ee Radio Dalsan ,08-07-2015

MOGADISHU MAKES HISTORY: Somalia Hosts 34th Eastern Africa Standby Force (EASF) Policy Organs Meeting for the First Time

MOGADISHU MAKES HISTORY: Somalia Hosts 34th Eastern Africa Standby Force (EASF) Policy Organs Meeting for the First Time

by Liban
July 15, 2025
0

Mogadishu  – In a landmark moment for the Horn of Africa, Somalia officially opened the 34th Policy Organs Meeting of the...

Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir

Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir

by Ilhaan
July 15, 2025
0

Wararka laga helayo magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in halkaasi uu ka qarxay dagaal culus oo u dhexeeya...

Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay

Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay

by Ilhaan
July 15, 2025
0

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shaaciyay in ololaha isdiiwaangelinta codbixiyeyaasha ee Gobolka Banaadir la kordhiyay...

“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”

Booliiska Soomaaliya oo Soo Bandhigay Hub ay Ka Fashiliyeen Weerar Ay Maleeshiyaad Ku Qaadeen Guri Xukun Maxkamadeed Leh

by Ilhaan
July 15, 2025
0

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta soo bandhigay hub iyo agab milatari oo ay sheegeen inay kala wareegeen maleeshiyaad hubeysan oo...

MOGADISHU MAKES HISTORY: Somalia Hosts 34th Eastern Africa Standby Force (EASF) Policy Organs Meeting for the First Time
English News

MOGADISHU MAKES HISTORY: Somalia Hosts 34th Eastern Africa Standby Force (EASF) Policy Organs Meeting for the First Time

July 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir
Warar

Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir

July 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay
Warar

Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay

July 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”
Warar

Booliiska Soomaaliya oo Soo Bandhigay Hub ay Ka Fashiliyeen Weerar Ay Maleeshiyaad Ku Qaadeen Guri Xukun Maxkamadeed Leh

July 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Puntland Parliament Ousts MP Abdirashid Yusuf Jibril Amid Lasanod Political Tensions
English News

Puntland Parliament Ousts MP Abdirashid Yusuf Jibril Amid Lasanod Political Tensions

July 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
“Mogadishu Is Rising”: Mayor Muungaab Welcomes Arab League Envoy in Symbolic Visit
English News

“Mogadishu Is Rising”: Mayor Muungaab Welcomes Arab League Envoy in Symbolic Visit

July 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • MOGADISHU MAKES HISTORY: Somalia Hosts 34th Eastern Africa Standby Force (EASF) Policy Organs Meeting for the First Time
  • Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir
  • Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay
  • Booliiska Soomaaliya oo Soo Bandhigay Hub ay Ka Fashiliyeen Weerar Ay Maleeshiyaad Ku Qaadeen Guri Xukun Maxkamadeed Leh

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00