Xildhibaano badan oo ka tirsan Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa ka wada Mooshin ka dhan ah xubno sare oo ka tirsan Guddoonka Baarlamaanka Maamulkaas, sida aan wararka ku helnay.
Saacadihii lasoo dhaafay waxaa Magaalada Garoowe kulamo gooni gooni ah ku yeeshay Xildhibaanada Mooshinka wada, waxaana la sheegay in maalmahan uu socday qorshaha Mooshinka, hayeeshee uu xalay banaanka u soo baxay.
Xildhibaanada Puntland ayaa Mooshinka ka wada Guddoomiye ku-xigeenka koowaad iyo labaad ee Baarlamaanka maamulkaas ee Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Ismaaciil Warsame Maxamed, iyagoo lagu eedeeyay inay gudan waayeen waajibaadkooda shaqo.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in Mooshinka oo ay ku saxiixan yihiin in ka badan 36 Xildhibaan la doonayo in Maanta ka horgeyo kulan ay yeelanayaan Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland.
Maalmihii lasoo dhaafay ayaa la tilmaamay inay soo baxayeen wararka sheegaya inuu jiro Mooshinka, hayeeshee xalay uu banaanka u soo baxay, kadib markii xogtaas laga helay Xildhibaano kulan ku yeeshay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.