Milliteriga Turkiga oo sheegay inay dileen Maleeshiyo ka tirsan Kooxda YPG.

Hadal ka soo baxay Milliteriga dalkaasi ayaa lagu sheegay inay duqeyn ku dileen 11 ka tirsan Maleeshiydda YPG ee ka dagaalanta gudaha dalka Syria.

Duqeyntaasi ayaa timid kadib, markii ay Kooxda YPG Hoobiyayaal la soo beegsadeen Tlis ay Ciiddnka Dowldda Turkiga ku lahaayeen DEgmadda Seylanpinar ee Koonfurta Turkiga.

Waa iska horimadkii maalintii 3-aad dhex maray labada dhinac, kadib, markii ay Diyaaradaha Dagaalka Turkiga beegsadeen Dagaalyahano ka tirsan Maleeshiyadda YPG  oo ay Dowladda Marayknka tageerto.

Dowladda Turkiga waxay u arkaan Maleeshiyadaasi koox argagixiso oo xiriir la leh Maleeshiyadda Xisbig Shaqaalaha Kurdishka ee PKK, kuwaasi oo tan iyo sannadkii 1984-kii dagaallo ka waday gudaha Turkiga.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media