Milliteriga Maraykanka oo Hawlgal qarsoodi ku dilay Gacan-yarihii Hoggaamiyaha Daacish.

 

Afhayeenka Taliska Dhexe ee Milliteriga Maraykanka, Colonel John Thomas ayaa sheegay inay bishan 6-dii Hawlgalkaasi ka fuliyeen meel ku dhow Degmadda Mayden ee dalka Syria, kuna dileen  Abdurakhmoon Uzbeki, kaasi oo ku lug lahaa weerarkii ay Daacish ka geysteen bilowgii sannadkan dhismo lagu caweeyo oo ku yaalla magaalladda Istanbuul ee dalka Turkiga, laguna dilay 39-qof.

Afhayeenka waxa uu tilmaamay in Hoggaamiyahaasi lagu dilay Hawlgal qarsoodi oo dhinaca dhulka, ee aan lagu dilin Duqeyn Diyaaradeed.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media