Midowga Yurub oo taageeraya horumarinta waaxda tamarta Soomaaliya

Maanta, Midowga Yurub (EU) iyo Adventist  Relief Agency (ADRA) waxay bilaabeen barnaamij cusub oo 3 sano oo ujeedadiisu tahay isticmaalka iyo faafinta tamarta la cusboonaysiin karo ee Soomaaliya. Iyada oo loo maraayo hirgelinta  mashruuca “Badalka Tamarta Soomaaliya” (SET), in ka badan 100.000 oo qoys ayaa awoodi doona helitaanka adeegyada tamar  joogto ah oo la awoodi karo  Somaliland, Puntland iyo Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Isticmaalka tamarta la cusboonaysiiyo waxay wax ka tari doontaan helitaanka tamar nadiif ah. Gaadhitaanka yoolkani wuxuu Soomaalida ka caawinayaa inay u dhaqaaqdo yaranta carboonka oo wax ka taraaya isbelka cimiladda. Helitaanka adeegyada tamarta oo la kordhiyaa waxay keenaysaa fursado dhaqaaluhu ku kobco iyo hilitaanka adeegyadda tamarta.
Arrintani waxaa lagu gaadhayaa horumarinta adeega tamarta ee laga dhaliyo qoraxda iyada lagu horumarinayaayo xagga waxqadka Beeraha, caafimaadka iyo waxbarashada iyo mashaariicda laydh gelinta ee bulshadda. Waxaa kale laggu horumarinayaa hirgelinta girgirayaal yareeyaha isticmaalka dhuxusha ee ay ka ganacsadaan dhalinyaraddu
kani waa mashruuc  si weyn wax uga tari doonaan horumarinta waaxda Tamarta ee Somaliland, waxayna xoojinaysaa yoolka dawladdu ay ku doonayso in laydh la gaadhsiiyo magaalooyinka yaryar iyo miyigga dalka. Waananu kala shaqaynaynaa Midwoga Yurub iyo ADRA hirgelinta mashruucan mihiimka ah. Waxaa sidaa yidhi Hussein Abdi Ducaale Wasiirka Tamarta iyo Macdanta ee Somaliland”.
Midawga Yurub wuxuu aaminsanyahay in mashruucan cusubi wax ka bedeli doono nolosha dad badan oo soomaali ah. Waxaa sidaa yidhi, Michele Cervone d’Urso Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya. Helintaanka korontadda oo la kordhiyaa waxay wax ka taraysaa helintaanka biyaha, adeegyadda caafimaadka, iyo helintaanka shaqooyin. Waxaanu rajaynaynaa inuu mashruucani keeni doono isbedel iyadda la balaadhinaayo isticmaalka tamarta la cusboonaysiiyo oo dalka oo dhan ah.
“Talaabaddani waxay fududayn doontaa cirib-tirka saboolnimada ba’an iyo gaajadda iyadda oo loo marayo bixinta tamar si kor loogu qaado wax soo saarka Beeraha iyo Xoolaha, si loo helo cuntooyin la awoodi karo iyo shaqo abuur. Mashruucani wuxuu qayb ka yahay dedaalka helitaanka tamar nadiif ah oo wax ka taraysa wax ka qabashada isbedelka cimiladda. Ayuu yiri Luiz Carmago, Agaasimaha  ADRA ee Soomaaliya”.
Dhammaad
 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor