Midowga Yurub oo ka hadlay Burbur ay Madaafiicda Ruushka u geysteen Ukraine

Guddoomiyaha Midowga Yurub ee maaraynta xasaradaha ayaa sheegay in burburka kaabayaasha tamarta ee Ukraine uu gaaray heer aad u sarreeya. Hadalka Janez Lenarsič ayaa daba socda weerarradii ugu dambeeyay ee Ruushka.

Waxa uu ballan qaaday in uu kordhin doono dadaallada lagu caawinayo Ukraine xilliga jiilaalka.

Madaxweyne Volodymyr Zelensky — oo doonaya difaac wanaagsan oo dhanka hawada ah — ayaa ku eedeeyay Ruushka inay burburiyeen ilaha korontada iyo kulaylka.

Malaayiin reer Ukrain ah ayaa la dhibaateysan koronto la’aan, taasoo sidoo kale carqaladeyneysa helidda biyaha.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor