Midowga Yurub iyo World Vision oo taageeraya Hab-Nololeedka Puntland

Garoowe, 17/03/2015
 
Maanta, Midowga Yurub iyo World Vision iyaga oo kaashanaya Wasaaradda Shaqada, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Puntland waxay fureen “Mashruuca xoojinta fursahada Hab-Nololeed ee Nugaal” oo ujeedadiisu tahay sarre u qaadista dhaqaalaha hoose ee Puntland iyada oo la bixinayo tababaro iyo taageero ganacsi.
Deeq lacageed oo gaadhaysa 3 Milyan oo EURO,  mashruucani wuxuu soconayaa ilaa 3da sanno ee soo socota, wuxuuna bixinayaa tababaro iyo barnaamijyada waxbarashada dadban, taageerida ganacsatada yar yar iyo wacyi-gelinta bulshada ee arrimaha Hab-Nololeedka iyo Xuquuqda Aadanaha iyada oo la tababarayo lana  gacan-qabanayo la iskuna  xidhayo dhexdooda. Mashruucani wuxuu sare u qaadayaa isku xidhka bulshada  waxaana ka faa’iidaysanaya ugu badnaan 24,000 qof oo Soomaali ah iyo kooxaha la takooro ee degmooyinka Dangoroyo, Eyl, Godobjiran, Garoowe iyo Burtinle Gobolka Nugaal ee Puntland.
Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Michele Cervone d’Urso ayaa wuxuu yidhi “Horumarinta xirfaduhu waxay muhiim u tahay dhaqaalaha Soomaaliya. Midowga Yurub wuxuu sii wadi doonaa inuu taageero waxbarashada iyo tababarada farsamada gacanta maadaama oo ay yihiin hantida ugu wayn ee dalku ku gaadhi karo koboc iyo shaqo-abuur. Dhamaad

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor