Midowga Musharaxiinta oo kulan la leh Guddoomiyaha Aqalka sare

Kulankan oo hadda socda ayaa waxaa uu kasocda guriga Muqdisho uu ka dagganyahay guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Sharafiif, Ra’iisulwasaarihii hore Xasan Cali Kheyrre,Musharax madaxweyne Cabdikariin Guuleed,Musharax Shariif Xasan,xildhibaanno ka tirsan 2-da aqal ee baarlamaanka iyo masuuliyiin kale ayaa goob-joog ka ah kulankan.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa sidii guddoomiye Cabdi Xaashi loogu qancin lahaa qaadashada 5-ta xubnood ee laga siiyey guddiga farsamada ee loo xilsaarayo xallinta arinta xildhibaanada gobolada woqoooyi iyo inuu ka qeybgalo shirka Afisyooni.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor