Midowga Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa weli Magaalada Muqdisho uga socda wejiga labaad ee shirar looga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo marxalada kala guurka ah.
Afhayeenka Midawga Musharixiinta Ridwaan Xirsi Maxamed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kulankii Maanta ee Musharaxiinta  Madaxweynaha looga hadlay xaaladda dalka, amniga iyo Arrimaha doorashooyinka 2020/2021.
Amniga dalka ayuu Afhayeenka sheegay inuu marayo meel halis ah oo ay dhaceen Qaraxyo, khatarna ay jirto, wuxuuna sheegay in xiligaan amniga uu sii gayo marxalad kale, maadaama Mareykanka uu shaaciyay in Ciidankiisa uu Somalia kala baxayo.
Sidoo kale Afhayeen Ridwaan Xirsi ayaa sheegay in kulankii Musharaxiinta ay yeesheen lagu magacaabay Guddiga Badbaadinta ee Doorashooyinka Qaranka, kuwaasi oo ku dhawaaqeen Midowga Musharaxiinta.
Xubnaha Guddiga Badbaadinta ee Doorashooyinka ayaa ka kooban 28-xubnood, isla markaana ay ka shaqeyn doona sidii dalka Soomaaliya uga dhici laheyd Doorasho xor iyo xalaal ah, xili Musharaxiinta ay horey u sheegeen inay magacaabi doonaan Guddi.
Magacaabista Guddigaan ayaa kusoo aadeysa, iyadoo Maanta Guddiga Doorashooyinka ee lagu muransan yahay ee heer Federaal doorteen Guddoomiye iyo ku-xigeenkiisa, xili Musharaxiinta ay ku tilmaameen Guddigaas inay ku jiraan xubno ka tirsan NISA.