Midowga Afrika ayaa sheegay inay Midowga Europe ka heleen Taageero Dhaqaale oo dhan 178 million oo Euro una dhiganta 199.6 million oo Dollar, taasi oo loogu tala galay Ciiddanka Nabad-ilaalinta Hawlgalka AMISOM, xilli diyaar-garow loogu jiro Doorashadda bisha soo socota lagu dooran ddoono Madaxweynaha cusub ee Somalia.
Heshiis ay Midowga Afrika iyo Midowga Europe kala saxiixdeen Arbacaddii la soo dhaafay ayaa lagu sheegay inuu Kharajkaasi dabooli doono Hawlaha AMISOM ee muddada laga bilaabo bishii Janaayo ilaa bishan September 30-da ee sannadkan 2016-ka.
Taageeradda Dhaqaale ee ay Midowga Europe ugu yabooheen Hawlgalka AMISOM ayaa la sheegay in loo adeegsanayo Mushaaraadka Hawlgalka Ciiddaanka iyo Boliska AMISOM iyo Shaqaalaha Caalamiga iyo kuwa Maxaliga ee la shaqeeya AMISOM.
Midowga Europe ayaa lagu tilmaamaa Maal-geliyaha ugu weyn ee Taageeradda Dhaqaale siiya Hawlgalka AMISOM.
Tan iyo sannadkii 2007-dii waxay EU-da ugu deeqeen Hawlgalka AMISOM lacag ku dhow 1.2 Billion oo Euro, iyadoo Kala-bar Kharajkaasi lagu bixiyey Mushaaraadka AMISOM.
Bishii Janaayo ee sannadkan, ayey Dowladaha EU-da waxay jareen 20% Kharajkii la siin jirey AMISOM, sababo la xiriira iyadoo la xadiday Taageeradaasi iyo Baaritaano lagu hayo qaabka loo adeegsaday Dhaqaalaha ay EU-da siiyaan Hawlgalka AMISOM.
©Radio Dalsan