Midowga Europe oo difaacay go’aanta ay ku dhimeen Kharajka ay siiyaan Hawlgalka AMISOM.

EU delegation Ambassador to Somalia Michele Cevvone during an interview in Mogadishu Somalia on Monday. Photo/Monicah MwangiDanjiraha Ururka Midowga Europe u jooga Somalia, Michele Chevvone ayaa difaacay go’aanka lagu jaray 20% Kharajkii la siin jirey Hawlgalka AMISOM, wuxuuna tilmaamay inay Ururka Midowga Afrika iyo AMISOM ku wargeliyeen qorshahaasi muddo haatan laga joogo in ka badan hal sanno.

Sannad kasta, Dowladaha EU-da waxay sannad kasta Hawlgalka AMISOM ku taageeri jireen 200 million oo Dollar, inkastoo Kharajkaasi la dhimay 20% wixii ka bilowday bishii Janaayo ee sannadkan.

Danjiraha Ururka Midowga Europe u jooga Somalia, waxa uu tilmaamay inaan Kharajka la dhimay loo fasiri Karin inay EU-da xagal-daacinayso Hadafka laga lahaa Hawlgalka AMISOM, isla markaana aan la dareemin kharajka laga jaray AMISOM.

“Iskaashigeenna weli waa wanaagsan yahay. Waxaana naga go’an inaan taageerno AMISOM iyo in lala dagaalamo Argagixisadda” ayuu yiri Danjiraha Ururka Midowga Europe u jooga Somalia, Michele Chevvone.

Dhinaca kale, waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in Wada-xaajood ballaaran laga yeesho Dagaalka Alshabaab, wuxuuna ku booriyey Dowladaha taageera Hawlgalak AMISOM inay taageero ka geystaan Horumarinta Ciiddanka Somalia.

Isagoo arrintaasi sii ambaqaadayo waxa uu carrabka ku dhuftay in dalka Somalia u baahan yahay in la dhiso Ciiddanka Qaranka si ay u gutaan waajibaadkooda.

“Waan og nahay inaan weli laga guuleysanin Alshabaab, waana taageersanahay Hawlgalka, balse waxaa jira Hawlgalo kale oo aan taageerno” ayuu yiri Danjiraha EU-da u jooga Somalia.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor