Midowga Europe iyo Ururka Jaamacadda Carabta oo ku baaqay Dhismaha Ciiddanka Somalia.

Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Dowladaha ku bahoobay EU-da iyo dhigooda dalalka Carabta waxay shalay Kulan Wadajir ah ku yeesheen Xarunta Dhexe ee Ururka Jamaacadda Carabta “The League of Arab States” (LAS) oo ku taalla caasimadda dalka Masar ee Qaahira.

Wasiiradda waxay ka wada hadleen Xiriirka Labada Dhinac, Siyaasadda, Dhaqaalaha, Ammaanka, gaar ahaan La-dagaalanka Argagixisadda, Ka-hortagga Xag-jirnimadad iyo Tahriibka iyo Xiisadaha ka aloosan dalal ay ka mid yihiin Somalia, Yemen, Libya iyo Iraq.

Wasiiradda waxay si gaar ah uga wada hadleen Arriumaha dalka Somalia, waxay soo dhaweeyeen Nidaamka Doorashadda, kuna tilmaameen tallaabo muhiim oo ay Somalia horey u qaaday.

Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Dowladaha EU-da iyo kuwa dalalka Carabta waxay hoosta ka xariiqeen in loo baahan yahay inay Dowladda cusub ee la dhisayo iska kaashadaan Maamul-gobaleedyadda sidii muhiimad gaar ah loo siin lahaa Qorshaha Ammaanka Qaranka ee Ciiddan u gaar ah Somalia, iyadoo asaas looga dhigayo Siyaasadda Amniga Qaranka (The National Security Policy) iyo in laga tusaale qaato Aragtida AMISOM ee Istaraatijiyadda bixitaanka AMISOM ee sannadka 2018-ka.

Dhinaca kale, Bayaanka Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Midowga Europe iyo kuwa Jaamacadda Carabta waxay kaloo ku baaqeen in Somalia laga taageero Isbedelka Dhaqaale iyo xiriirka Hay’addaha Maaliyadda ee Caalamiga, gaar ahaan Hay’adda Lacagaha Adduunka ee IMF.

Ugu dambeyntii, Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Midowga Europe iyo kuwa Jaamacadda Carabta waxay ku taliyeen in Wax-soo-saarka Somalia lagu iibiyo Suuqayadda gudaha si ay gacan uga geysato dib u soo celinta  Dhaqaalaha Somalia.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor