Taliyayaasha Milliteriga ee ay Dowladaha ay Ciiddamadda ka joogaan Somalia ayaa Kulan Khaas ah ku yeeshay Xarunta Midowga Afrika oo ku taalla caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba
Taliyayaasha Milliteriga ee dalalka Burundi, Kenya, Jabuuti, Ethiopia iyo Wakiil ka socday Wasaaradda Difaaca ee dalka Uganda waxay Kulankaasi kaga wada hadleen sidii ay Ciiddamo dheeraad ah ugu soo xoojin lahaayeen Ciiddanka AMISOM.
Ciiddankaasi oo aan la sheegin sida ay Dowladahaasi u kala qeybsadeen iyo xilliga loo soo daad-gureynayo Somalia ayaa la sheegay inay kaalin ka qaadan doonaan Hawlgalladda lagu sugayo Ammaanka goobaha ay ka dhacayaan Doorashooyinka Somalia.
Taliyayaasha ayaa xusay inay qaateen Go’aankaasi, kadib, markii ay Dagaalamayaasha Xarakadda Alshabaab shaaciyeen inay qaadi doonaan weeraro ka dhan ah goobaha lagu qabanayo Cod-bixinta Doorashooyinka Somalia.
Dhinaca kale, Hadal qoraal oo ka soo baxay Taliyayaasha Dowladaha ay Ciiddamadda ka joogaan Somalia, waxay si kulul ugu gacan sayreen qorshaha ay Midowga Europe ku sheegeen inay si toos ah Mushaaraadka u siin doonaan Ciiddanka Burundi ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.
Midowga Afrika waxay dhigooda Europe ugu baaqeen inay dib u eegaan go’aanka ay ku diidan yihiin inay Dowladda Burundi si toos ah ugu diraan Mushaaraadka Ciiddankooda qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.
Midowga Europe ayaa bixiya mushaaraaadka 22,000 ee Askarta AMISOM, kuwaasi oo 5,400 ka mid ka soo jeedaan dalka Burundi, waana Ciiddanka Labaad ee ugu badan AMISOM, marka laga reebo Ciiddanka Uganda.
©Radio Dalsan