Midowga Africa oo baaq kasoo saaray xaaladda dalka Suudaan

Guddoomiyaha  Midowga Africa ayaa walaac ka muujiyay xaaladda dalka Suudaan kadib markii ciidamada milaterigu  la wareegeen xukunka dalka.

Guddoomiyaha Africa Muuse Faki ayaa ku baaqay in la sii daayo ra’iisal wasaare Cabdullaahi Xamduuk iyo  dhammaan mas’uuliyiintii la xiray.

Bayaan kasoo baxay Midowga Africa aaya lagu yiri:  “waxaan si hoose ula soconaa  xaaladda dalka Suudaan, waxaana ku baaqaynaa in la ixtiraamo heshiisyadii hore loo gaaly iyo xuquuqda siyaasiyiinta”

Bayaanka ayaa intaas ku daray, in wada hadal lagu dhammeeyo dhammaan waxa la isku khilaafsanyahay si loo ilaaliyo dimuquraadiyada xilliga kala guurka ah ee dalka Suudaan.

Dalka Suudaan waxaa saakay ka dhacay afgambi xilka looga tuuray xukuumadii rayidka, waxaana la xiray ra’iisal  wasaarihii dalka iyo dhowr wasiir.

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor