Mid ka mid ahaa Soomaalidii ku eedeysanaa Weerarkii Westgate Mall oo la sii daayey

Maxkamad ku taalla magaalladda Nairobi  waxaa maanta la soo taagay 4 Eedeysane oo lagu tuhunsan yahay inay ahaayeen maskaxdii ka dambeysay weeerarkii Xarunta laga dukaamaysto ee Westgate Mall lagu qaaday sannadkii 2013-kii.

Eedeysanayaasha waxaa si wadajir iyo si shaqsi-shaqsi loogu so ooogay inay qorsheeyeen waxa loogu yeeray Weerar Argagixiso iyo dembiyo kale, waa sida hadalka loo dhigay.

Garsooraha Guud ee Maxkamadda Nairobi oo lagu magacaabo Francis Andayi waxa uu fasaxay mid ka mid ah Eedeysanayaasha oo lagu magacaabo Aadan Dheeg.

Sidoo kale, Maxkamadda waxay dib u dhigtay dhegeysiga Dacwad loo haysto 3 Eedeysane oo lala xiriirinayo Weerarkii Westgate Mall, waxaana magacyadooda lagu kala sheegay Axmed Cabdi, Liibaan Cumar iyo Xuseen Mustafa.

Dhegeysiga Kiiskooda waxaa dib loo dhigay ilaa bishan Janaayo 21-da, iyadoo Dhegeysiga Kiiska Westgate Mall uu soo bilowday bishii Janaayo 15-dii ee sannadkii 2014-kii.

Dagaalamayaasha Alshabaab waxay horey u sheegeen inay iyagu ka dambeeyeen  Weerarka  lagu qaaday Xarunta laga dukaamaysto ee Westgate Mall ee Nairobi oo dhacay bishii September 21-dii ee sannadkii 2013-kii, isla markaana ay  67 qof ku geeriyootay, halka ay dhowr kalena ku dhaawacmeen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor