Waxaa saakay deegaanka Shabeellow oo ku yaalla duleedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan laga helay Meydka mid kamid ah dadkii shalay doonta kula qalibantay fatahaada ka dhalatay Biyaha Wabiga Shabeelle.
Shariif Xasan oo kamid ah ganacsatada Baladweyne ayaa Meydkiisa laga helay deegaanka Shabeellow, waxaana uu kamid ahaa Mas’uuliyiintii iyo dadkii shacabka ahaa ee shalay doonta kula qalibantay Biyaha Webiga xili ay kusii jeedeen deegaanka Caal-Jeelle.
Sidoo kale waxaa weli socda baadi goob loogu jiro qaar kamid ah dadkii saarnaa doonta, kuwaasi oo laga raadinayo biyaha Webiga iyo hareerihiisa, waxaana goodi goobka dadkaas loo xilsaaray Guddi.
Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Hiiraan oo ay kamid ahaayeen Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cabdifitaax Afrax iyo Duqa degmada Baladweyne iyo dad shacab ahaa ayaa laga soo badbaadiyay biyaha Wabiya, iyadoona ay geeriyootay Dahabo Ahmed oo aheyd Taliyaha Arrimaha dhanka Haweenka Madaxweynaha Hirshabeelle, taasi la sooctay doontii shalay la degtay Mas’uuliyiinta iyo dadkii shacabka ahaa.