Meydadka 30 muhaajiriin Itoobiyaan ah oo laga helay dalka Zamiba

Meydadka dad ku dhow 30 muhaajiriin ah oo la sheegay in ay ka soo jeedaan dalka Ethiopia ayaa saakay laga helay xaafad ku taalla duleedka magaalada Lusaka ee caaismadda dalka Zambia.

Meydadkaasi ayaa masโ€™uuiyiinta jaaliyadda Soomaalida ee Zambiya ay sheegeen inaysan Soomaali ku jirin, iyada oo markii hore wararka horudhaca ah ay sheegeen inay Soomaali ay ku jirto.

Warbaahinta dalkaasi ayaa horay u baahisay in dadkaas meydadkooda la helay ay Soomaali yihiin, balse dib ayaa waxaa ka caddaatay in dadkaasi inay kasoo jeedaan dalka Itoobiya.

Jaaliyadda Soomaalida ayaa sheegtay in aysan ku jirin dad Soomaaliyeed,waxyaaabaha lagu ogaadayna waxaa ka mid ah aqoonsiyadooda.

About Webmaster

View all posts by Webmaster