Yasin Aktay oo ah La-taliyaha Madaxweynaha Turkiga waxa uu hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu maanta siiyey Wargeyska Hurriyet ee ka soo baxa Turkiga.
Waxa uu xusay in Sirdoonkii Sacuudiyaanka ee dilay Saxafigaasi jarjareen maydkiisa, si aan loo helin raad-raaca baarista maydkiisa.
Hadalkaasi ayaa ku soo beegmay iyadoo ay Baarayaasha Turkiga weli ku guda jiraan baaritaanka kiiskaasi.
Dhinaca kale, Amiir Maxamed Bin Salmaan-ka Sacuudiga waxa laga soo xigtay in Saxafigaasi ahaa Islaamiste khatar weyn ku ah Sacuudiga, waa sida uu hadalka u dhigay.
Qoyska Saxafiga la dilay oo la hadlay Wargeyska The Washington Post waxay beeniyeen hadalka Dhaxal-sugaha Sacuudiga.