Maydkii Sarkaalkii Shiinaha ee ku geeriyooday qarixii Hotelka Jazeera oo lagu celiyey dalkiisa

Maydkii Sarkaalkaasi oo lagu magacaabi jirey  Zang Nan ayaa waxaa la gaarsiiyey magaalladda Jinaan ee caasimad-gobaleedka Shandon ee Bariga dalka Shiinaha.

Sarkaalka ayaa waxaa la filayaa in Waaberiga hore ee berrito oo Axad ah lagu aaso magaalladda uu deegaan ahaan ka soo jeedo.

Zang Nan oo 29 jir ahaa waxa uu dalka Somalia yimid bishii January 31-dii ee sannadkan, waxaana u uka mid ahaa Saraakiisha Qeybta Ammaanka ee Safaaradda Shiinaha ku leedahay magaalladda Muqdisho.

Muddadii uu ka hawlgalayey Safaaradda, waxa uu ku muteystay Abaalmarino badan, oo ay dheer tahay iyadoo uu ka mid ahaa 10-ka Sarkaal ee ka tirsan Ciiddanka Boliska hubeysan ee dalkaasi ee maalintii Khamiista ee la soo dhaafay Abaalmarinta loogu gartay Kulan Abaalmarin oo ka dhacay caasimadda dalkaasi ee Bejing.

Zang Nan oo ka mid ahaa Saraakiisha Ammaanka ee Safaaradda Shiinaha ku leeyihiin dalka Somalia ayaa waxa u uka mid ahaa 15-kii qof ee ku geeriyootay falkii Is-qarxinta ee ay Alshabaab isbuucii hore la beegsadeen Hotelka Jaziira ee magaalladda Muqdisho.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor