Maydka Haweeneydii ugu horreysay ee Muslim ah oo Garsoore ka noqota Maraykanka oo la helay.

Sheila Abdus-Salaam, oo Garsoore ka ahayd Maxkamadda ugu sarreysa magaalladda New York ayaa la sheegay in shalay galab maydkeeda laga helay Webiga Hudson ee dhex mara magaalladda New York, meel hal mile u jirta Hoygeeda oo ku yaalla Bartamaha Harlem.

Wargeyska New York Post ayaa qoray inay Goobjoogayaal u yeereen Boliska, kadib, markii  ay maydka Garsooradda ka heleen iyadoo sabaynaysa Webiga, meel ku dhow Jidka 132-aad iyo Hudson Parkway.

Boliska waxay sheegeen inaysan wax calaamado jir-dil ah ka muuqanin maydkeeda, iyadoo saygeeda iyo qoyskeeda wada aqoonsadeen maydkeeeda.

Boliska ayaa sheegay in baaritaan lagu samayn doono maydka, si loo ogaado waxa sbbay geerideeda.

Allaha U Naxariisto Marxuumadda oo 65-jir ahayd ayaa la la’aa tan iyo subaxnimadii Taladada ee la soo dhaafay, sida uu sheegay Sygeeda oo lagu magacaabo Gregory Jacobs (1).

Kulan xilliyeedkii Maxkamadda ee  ugu dambeeyey ee ay ka qeyb gasho ayaa ahayd bishiii March 29-dii.

Sheila Abdus-Salaam waxy noqotay Haweeneydii ugu horreysa ee Muslim Afrikaan-Maraykan ah oo loo magacaabo Maxkamadda Rafcaanka.

Waxay Garsoore ka noqotay Maxkamadda Sare ee Manhattan Supreme Court muddo 14-sanno.

Sannadkii 1991-kii ayaa loo dortay Hoggaanka Garsoorka ee magaalladda New York.

Waxay ka qalin jebisay Barnard College and Columbia Law School, waxayna Hawsheeda Garsoorka ka bilaabay Adeegga Sharciga ee East Brooklyn Legal Services iyo iyadoo noqotay Kaliyah Xeer-ilaaliyaha Guud ee Dowlad-gobaleedka New York, sid lagu qoray Websaytka Maxkamadda Rafcaanka.

 

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media