Maxkamadda Puntland oo Maanta xukuno ku riday 6 Nin oo u dhashay Morocco

Maxakamada darajada kowaad ee ciidamada ee Puntland ayaa maantay xukun dil ah ku riday 6 nin oo dhalashadoodu kasoo jeedo dalka Morocco, kuwaas oo maxkamaddu ku eedeysay in ay ka mid ahaayen ururka Daacish ee fadhigiisu yahay buuraha Caal Miskaat.

Maxkamada ayaa sheegtay in ragga dilka lagu xukumay ay dhamaantood qirteen iney ka tirsanaayeen, Daacish dalkoodana uga yimaadeen iney dhibaateeyaan dad Soomaaliyeed.

Raggan Marocanka ah ee dilka lagu xukumay ayaa magacydooda lagu kala sheegay

1-Hassan Mohamed Hussein

2-Ahmed Nadwi Hafidu

3-Salim Nadra Ibnu Mowliid

4-Mohamed Bin Mohamed Ahmed

5-Ridwan Bareh Bin Hussein

6-Abdikadir Al Cuthmani Ibnu Ahmed

Sidoo kale waxa ay maxkamaddu xukuno xabsi oo sanooyin ah ku riday nin Soomaali ah iyo nin u dhashay dalka Ethiopia oo la shaqeynayey raggan ajaaniibta ah, iyadoo sii deysay nin kale oo lagu wayey wax dambi ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor