Maxkamadda Mombasa oo dib u dhigtay dacwad loo haysto Somali la sheegay inay  dad ku dileen Kaymaha Boni.

Dacwadda ayaa dib loo dhigay muddo hal isbuuc ah, kadib, markii uu Garyaqaanka Eedeysanayaasha sheegay inaysan Guddoonka Sare ee Maxkamadda Mombasa ka soo jawaabin Qoraal uu ku codsaday inay weli isfaham waa’ ka jirto Dukumentiyo uu uu u gudbiyey Maxkamadda oo ku aadanayd inaysan Eedeysanayaasha wax dembi ah gelin.

Eedeysanayaasha dacwadooda dib loo dhigay ayaa lagu kala magacaabaa Jaamac Axmed Muxumad, Maxamed Xaliili Xasan iyo Axmed Hiloble Cali, kuwaasi oo lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Alshabaab, isla markaana ay 3 qof ku dileen Kaymaha Boni bishii la soo dhaafay Janaayo 21-dii.

Saddexda Eedeysane ayaa la sheegay inuu mid Arday ka yahay Machadka Farsamadda ee Nairobi, halka labada kale sheegeen inay Beeraley yihiin.

Eedeysanayaasha waxaa laga soo qabtay Deegaanka Mpeketoni, lana soo taagay Maxkamaddaha Sharciga ee magaalladda Malindi, inkastoo markii dambe sababo dhinaca Ammaanka Kiiskooda loo soo wareejiyey Maxkamad ku taalla magaalladda Mombasa.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor