Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa amar ay  soo saartay ku sheegtay in aan labixin karin lacagtii Imaaraadka Carabta looga qabtay Garoonka Aadan Cadde bishii April ee 2018-kii.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa 7-dii Janaayo sheegay in lacagtaas dib loogu celin doono Imaaraadka Carabta, isaga oo Abu Dhabi ka raali geliyey dhacdadii lagu qabtay lacagta.
Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Cabdiqaadir Maxamad Xasan ayaa warqad uu soo saaray ku sheegay in lacagtaas aan laga saari karin Bankiga Dhexe, isagoo ku sababeeyay inuu baaritaan ku socdo.
Warqaddan ayaa ku soo beegmeysa Xilli Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu u amba baxay dalka Imaaraadka Carabta, oo ay uga billaabatay booqasho rasmi ah.
Lacagta ay gacanta ku dhigtay Dowladda Soomaaliya ayaa gaaraysa 9.6 milyan oo Doollar, waxaana horay Dowladda Soomaaliya ay u sheegtay in ay lacagtaasi si sharci darro kusoogashay dalka,wallow Imaaraatku ay ku sheegeen in lacagta ay u wadeen Safaaraddooda Muqdisho.