Maxkamadda Ciidamada oo dil ku xukuntay Askari dilay Wiil Bajaajle ahaa

Maxkamadda Ciidamada manta waxaa ay ayaa Xukun Dil ah ku ridday Askari ka tirsanaa Ciidanka Xoogga dalka, oo horay qof shacab ah dil u gaystay, kadibna baxsad lagu soo qabtay.

Xasan Maxamuud  Dhiblaawe oo August 17-Keedii 2019 dilay Marxuum Maxamed Cawil Jaamac oo ahaa Bajaajle ayay maxkamaddu manta Xukun ku ridday, waxaana lagu xukumay dil toogasho ah.

Dilka Marxuumka kadib ayuu isaga Baxsaday goobaha Dowladda, waxaana September 2019  Maxkamadda Ciidamada ay u jartay Waaran soo qabasha ah, iyadoo lagu guulaystay in gacanta lagu soo dhigo, kadibna la hor keeno caddaaladda.

December Sanadkii tegay ayuu u Gacan Galay Hay’adaha amniga Dowladda Soomaaliya, oo markii horeba ku raad joogay, maaddaama waaran loo jaray Askariga dilka gaystay.

Wixii intaas ka dambeeyay waxa uu soo maray dhammaan Hab Raacyadii lagag gaaray Go’aanka, Xasan oo ka tirsanaa Ciidamada Xoogga ayay Maxkamadda Xukun ku ridday manta sheegtay in uu wali haysto fursad  uu ku dalban karo Rafcaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor