Maxkamada Ciidamada qalabka sida oo soo gabagabeysay dhageysiga dacwadii dadka lala xiriiriyay qaraxii Daallo

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa Maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwada dadkii lala xiriiriyay qaraxii diyaarada Daallo Airlines horaantii bishii Febraayo ee sanadkan.

Ugu yaraan 14 qof ayaa loo heystaa dacwada qaraxii diyaarada airlines oo ay dowlada sheegtay in lala damacsanaa diyaarada Turkish airlines,oo ah diyaarada kaliya ee duulimaad caalami ah ka bixisa Soomaaliya.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ayaa ku dhawaaqay in dacwada eedeysanayaasha ay intaasi ku idlaatay balse ay maxkamada dib ka soo saari doonto go’aankeeda.

Al Shabab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxii diyaarada Daallo airlines oo uu ku dhintay qofkii watay laab top lagu soo xiray waxyaabaha qaraxa islamarkaana ay ku dhaawacmen laba kamid ahaa rakaabkii diyaarada.

Dowlada Soomaaliya ayaa aad u adkeysay amaanka garoonka diyaaradaha Aden Cade kadib weerarkasi waxaana dib howshii u bilawday diyaarada Turkish airlines oo waqtigasi hakisay howlaheedii duulimaad ee Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor