Maxkamadd Mwingi ayaa u yeertay Maareeyahaasi oo lagu magacaabo Jeremiah Ng’ang’a  si uu sharaxaad uga bixiyo sababaha uu u qaadan waayey Amarkii Maxkamadda ee laga soo saaray 29 Qaxooti Soomaali ah oo ay Maxkamaddu amartay in lagu celiyo Xeradda Dhadhaab.
Qaxootigaasi waxaa bishii hore ee March 14-dii lagu qabtay meel ku dhow Akadeemiyadda Eastview ee jidka isku xira Mwingi iyo Garissa, iyadoo Qaxootigaasi lagu soo qabtay Gaari xamuul oo ay lahayd Wershad shiida Galleyda.
Inta badan Qaxootigaasi ayaa ku caburmay gaariga lagu soo qariyey, kadib, markii ay Boliska u gurmadeen.
Qaxootigaasi ayaa loo guddbiyey Maxkamadda Mwingi, waxaana midkiiba lagu xukumay ganaax dhan 50,000 oo Shillinka Kenya, waxayna Maxkamaddu amartay in Qaxootigaasi dib loogu celiyo Xeradda Dhadhaab.
Maareeyaha Xeradda Dhadhaab, Jeremiah Ng’ang’a  waxa uu Qaxootigii u diiday fasax ay ku galaan Xeradda, isagoo sheegay inaysan ka diiwaan-gashnayn Xeradda.
Waxa kale oo uu tilmaamay in Xog-kaydiyaha Nairobi muujiyey in qaar ka mid ah Dukumentigooda yihiin kuwo uu xilligu ka dhacay.
29-ka Qaxootiga Soomaalida ayaa la sheegay inay ilaa shalay ku sugnaayeen Saldhigga Boliska Mwingi, iyadoo ay Saraakiil ka tirsan QM ka codsadeen Maxkamadda Mwingi in wax laga qabto arrintaasi.
Dhinaca kale, Maxkamadda waxay ku amartay Maareeyaha Xeradda Dhadhaab, Jeremiah Ng’ang’a  inuu Maxkamadda hor yimaado bishan April 10-da, waxaana la amray inuusan ka bixi karin Deegaankaasi isagoo aan Maxkamadda ku soo wargelinin.
©Radio Dalsan